Waxay ahayd sheeko cajiib ah oo laga sameyn karo filim Hollywood ah. Waxaa jiray wiil dhalinyaro ah oo aad u caqli badan, leh aragti weyn oo ah in lacagta lagu adeegsan karo samafal, kuna fikiraya siyaasad cusub oo loo yaqaan “Effective Altruism.” Ninkaasi wuxuu ka shaqeeyay sidii uu u beddeli lahaa adduunka — balse ugu dambeyn wuu burburay, lana xukumay 25 sano oo xarig ah. Sheekadiisu waxay noqotay tusaale ah sida awoodda, kalsoonida iyo lacagtu ay isu beddeli karaan hub khatar ah haddii aan si sax ah loo maarayn.
Wiilkaasi waa Sam Bankman-Fried, shirkaddiisuna waa FTX.
Haddaba, aan u galno si faahfaahsan: Waa maxay FTX? Sidee ayey ku caan baxday? Maxaase burburiyay? Sheekadani maxay innagu baraysaa?
Sam, ama “SBF” sida loogu yeeri jiray, wuxuu ahaa nin dhalinyaro ah, oo caan ku ahaa xariifnimo sare iyo maskax falanqeyn xooggan. Wuxuu wax ku bartay MIT (Massachusetts Institute of Technology), isagoo bartay cilmiga xisaabta iyo cilmiga kumbuyuutarka. Kadib wuxuu shaqo ka bilaabay shirkado maalgashi, waxaana ugu dambeyn uu go’aansaday inuu asaga isagu bilaabo shirkad u gaar ah.
Sam wuxuu rumeysnaa fikrad la yiraahdo “Effective Altruism” — taasoo ah in qofku ku dedaalo inuu helo lacag badan si uu ugu deeqo dadka u baahan. Ma ahayn in lacagta laga cabsado ama laga cararo, balse in si xariifnimo leh loo sameeyo si loo badbaadiyo dad badan.
Fikraddan waxay u ahayd wax ku saleysan xisaab — “Haddii aan helo balaayiin dollar, waxaan badbaadin karaa malaayiin noloshooda.”
Laakiin si uu lacagtaas u helo… wuxuu bilaabay Alameda Research iyo FTX.
FTX waxay ahayd shirkad crypto exchange ah — halkaas oo dadka isticmaala ay ku iibsan karaan kuna kala iibin karaan lacagaha digital-ka ah sida Bitcoin, Ethereum, iyo kuwa kale. Waxay si dhaqso ah caan u noqotay sababo dhowr ah:
Teknoolojiyad horumarsan
Adeeg macaamiil heer sare ah
Daahfurnaan muuqata
Sumcad ah “inay tahay shirkad mas’uul ah”
Markii hore, FTX waxay ahayd shirkad dadku ku aamini karaan lacagtooda. Waxaa xitaa laga dhigay sponsor-ka garoonka ciyaaraha ee Miami Heat!
Sam wuxuu noqday wejigii crypto-ga ee rasmiga ah gudaha siyaasadda Mareykanka. Wuxuu la kulmay siyaasiyiin, wuxuu ku deeqay balaayiin doolar ololayaal siyaasadeed, wuxuuna noqday qof loogu yeero “crypto genius.”
Laakiin qof walba wuxuu is weydiinayay: Lacagtan badan – halkee ayay ka imaanaysaa?
Bishii November 2022, warbixin kasoo baxday CoinDesk ayaa muujisay in shirkadda Alameda Research ay ku tiirsan tahay lacag si xad-dhaaf ah u badan oo ka timid token-ka FTT — kaasoo ahayd lacagta ay FTX lafteedu abuurtay.
Markii la ogaaday in Alameda aysan haysan wax dhab ah oo hanti ah, balse ay ku tiirsan tahay lacag been-abuur ah, suuqii crypto wuu gilgishay.
Binance — oo ahayd shirkadda kale ee weyn — waxay ku dhawaaqday inay iibinayso dhammaan FTT tokens ay hayso. Taas waxay keentay in dadkii bilaabaan in si degdeg ah lacagtooda uga la baxaan FTX.
Laakiin waxa yaabay dadka waa: lacagtii meesha ma jirtay.
Waxaa la ogaaday in FTX ay hore ugu wareejisay malaayiin dollar shirkadda Alameda, halkaas oo lagu sameeyay maalgelin sharci-darro ah.
Sam iyo kooxda FTX waxay si qarsoodi ah shirkadda Alameda ugu wareejiyeen lacag ka badan $10 bilyan — lacagtaasna waxay ahayd midda macaamiisha FTX ee ay ku aamineen.
Lacagahaas waxaa lagu:
Iibsaday guryo raaxo leh oo yaalla Bahamas
Lagu taageeray siyaasiyiin Mareykan ah
Lagu isticmaalay safarro iyo nolosho raaxo badan
Lagu maalgeliyay shirkado is-qurxinaya oo aan wax faa’iido ah la haynin
Maamulayaasha FTX waxay ahaayeen saaxiibo dhow, qaar xitaa xiriir jaceyl la lahaa. Ma jirin isla xisaabtan, ma jirin hab-maamul cad. Wax kastaa waxay ahaayeen qoys isku shekeysan oo ciyaaraya hanti dadweyne.
Dhacdadii FTX waxay sababtay:
Kumanaan qof oo lacagtoodii waayay
Shirkado waaweyn oo burburay: BlockFi, Voyager, Genesis
Kalsoonidii lagu qabay crypto-ga oo hoos u dhacday
Dawladaha Mareykanka iyo Yurub oo bilaabay sharci adag
Markii hore, crypto waxaa loo arkayay mid xor ah oo dadka awood siiya — laakiin FTX waxay muujisay in xoriyad aan sharci la socon aysan la macno ahayn kalsooni.
Sheekada FTX waxay baraysaa dhowr arrimood:
Kalsooni la’aan sharciyeysan = halis weyn
Shirkad kastaa ma aha mid daahfuran, xitaa haddii ay sidaas sheegto
Lacag badan iyo maskax furan ma dammaanad qaadi karaan daacadnimo
Haddii aan la helin nidaam xisaabeed sax ah – dadka caqliga badan waxay la timaadaa khiyaano caqli badan
Sheekadani waxay ahayd digniin hore. Waxa ay tusisay waxa dhici kara marka la aaminiyo dad aan isla xisaabtan laheyn.
Haddii aad ku cusub tahay dunida crypto, ganacsi ama maalgelin — sheekada FTX ha kuu noqoto cashar. Ha ku mashquulin “hype”-ka suuqa, ha u degdegin lacag “fudud.”
Daraasad samee. Sharci faham. Dadka u fiirso. Mar kasta weydii:
Ma jiraa isla xisaabtan dhab ah?
Ma la fahmi karaa halka lacagta ka imaanayso?
Ma laga ilaalinayaa danaha macaamiisha yaryar?
📌 Daawo muuqaalka buuxa ee sheekada FTX — https://youtu.be/kIsbzaPzFfY?si=7CGqMSJLdEd9hIjX
📌 Subscribe YouTube-ka: Ahmed Hiddig
📌 Share garee blog-ga si uu qof kale uga faa’iideysto
📌 Like & Comment si aan u wada hadalno — Adiguna waad ka fikiri kartaa: sideen u noqon karaa maalgaliye wacan?